Xildhibaanada Amxaarada iyo Oromada Ethiopia oo Soomaalida darteed u diiday…

Mudanayaasha baarlamaanka Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa qaadacay ka qeybgalka kullanka baarlamaanka Itoobiya iyagoo ka careysan xiisada iyo rabshadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Xildhibaanada ayaa sabab ugu dhigay diidmada ka qeybgalka kulanka baarlamaanka Itoobiya xiisadahaasi iyagoo codsaday in ka qeybgalkooda uu ku xiran yahay ilaa Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan qalalaasaha u dheexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa xiisad colaadeed u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, iyadoo todobadkii lasoo dhaafay 60 qof oo Soomaali ah lagu dilay gobolka Oromiya.

Kullan ay arbacadii yeesheen xisbiga tallada Itoobiya haaya ay ku eedeeyeen golaha fulintiisa in ay daciifnimo ka haysato xalinta xiisada u dhaxeyso Soomaalida iyo Oromada.