Arrin yaab leh: Maxamed Bin Salmaan oo billaabay inuu iibiyo xoriyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka dhaxal sugaha ah ee dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa bilaabay in dhaqaale xoogan uu ku iibsado sii deynta Amiirada ugu hantida badan dalka Sacuudiga oo uu dhawaan xiray.

Mohammed bin Salman, ayaa Amiirada xiran usoo jeediyay inay bixiyaan madax furasho lagu sii deynaayo si ay usii wataan noloshooda, iyadoo haddii taa la waayo ay sii adkaan doonto deysmada.

Mohammed bin Salman, ayaa Amiirka lagu magacaabo Waleed bin Talal oo 62 jir ah usoo jeediyay inuu isku furto Jeebkiisa.

Mohammed bin Salman, ayaa Amiirkan lagu magacaabo Waleed weydiistay lacag kor u dhaafeysa 6 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Amiir al-Waleed bin Talal iyo xubno kale oo kor u dhaafaya 200 oo ruux islamarkaana isugu jira Ganacsato, Amiirro iyo waliba Siyaasiyiin xilal wasiiro soo qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Dhinacyadan u xiran Mohammed bin Salman, ayaa ku jira Hoteelo waaweyn oo ku yaalla magaalada Riyadh, kadib markii ay suuragali weyday in lagu xiro Xabsi ciqaabeed, maadaama ay ku jiraan liiska Hantiilayaasha Sacuudiga.

Amiiradan ayaa intooda badan ku jira Hoteel lagu magacaabo (Ritz-Carlton hotel) oo ku yaalla magaalada Riyadh.

Amiir al-Waleed bin Talal, ayaa si cad u diiday inuu bixiyo lacagta uu bixinteeda ku xujeeyay Mohammed bin Salman, waxa uuna cadeeyay in bixinta lacagtaas ay ka marqaati furi doonto inuu yahay dambiile, balse uu doonayo in uu si kale ula macaamilo dowladda.

Dhinaca kale, xarigga amiirkan iyo xubnaha kale oo labada boqol kor u dhaafaya ayaa lagu sheegay mid lala xiriirinayo is muujiska amiirka da`da yar ee talada dalkaasi la wareegay ee Mohammed bin Salman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com