Kheyre oo shaaciyay inay wax ka qaban doonaan hal arrin oo muhiimah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisa ay xooga saari doonto Cadaalada.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay jiraan cabashooyin badan oo kaga imaanaya dhanka Cadaalada, waxa uuna qiray inay jirto Cadaalad daro laga muujinaayo Garsoorka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu carab dhabay inaanu dal shaqeynkarin haddii uusan laheyn Garsoor, sidaa aawgeed ay isbedel ku sameyn doonaan dhanka Garsoorka.

‘’Waxaan qadarin doonaa rabitaanka shacabka waxaanu wax ka qaban doonaa dhanka Garsoorka si loo helo cadaalad wax ku’ool ah’’

Kheyre waxa uu cod dheer ku sheegay inay dib usoo sixi doonaan Garsoorka, isla markaana shacabka laga doonaayo inay muujiyaan dulqaad inta wax laga hagaajinaayo.

Sidoo kale, dhinacyada Garsoorka ayuu ugu baaqay inay u baqaan xilalkooda isla markaana ka fogaadan waxyaabah la halmaala musuqa iyo cadaalad darada laga tabanayo Garsoorka.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili Garsoorka dalka uu yahay la jiifshaa banana la joojiyaa banana.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com