DAAWO: Burbur weli ka muuqda Hooyga CC Shakuur ee dhawaan la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online)-Khasaaro Nafeed iyo mid Hantiyadeed ayaa ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hooyga CC Shakuur oo kamid ahaa Mucaaradka sida aadka ah uga soo horjeeda guulaha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa 17 -kii bishan qaaday weerarka CC Shakuur oo ahaa mid ku saleysnaa ka hortag dhibaato kusoo fool laheyd Qaranka Somalia.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro Naf iyo maalba leh, waxaana inta uu socday toogasho lagu dilay Ilaalada CC Shakuur oo u muuqday kuwo ka biya diiday inay dhigaan Hubka, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha hogaamineysay Weerarka.

Haddaba Muuqaal guud oo laga soo duubay Hooyga uu weerarka ka dhacay ayaa muujinaaya mid intiisa badan ay saameysay rasaasta Hoos ka daawo.