ERDOGAN oo ka laabtay go’aankii Finland ee NATO

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay inay dowladdiisu ay taageeri doonto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO.

Go’aanka cusub ee madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu Finland u fududayn doona qorshihii muddooyinkii dambe ay waday ee ku rabto in xubin buuxda ka noqoto Isbahaysiga NATO.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan.

Sweden iyo Finland ayaa hore u codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban bilood, iyaga oo tobanaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhex-dhexaad ah.

Xubnaha cusub ee ku biiraya NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaana codsigooda ka horyimi dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka kale ay ogolaadeen.

Turkiga ayaa labadan dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.

Ogolaanshaha xukuumadda Turkiga kadib haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ogolaanshaha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xidhan tahay, tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi.