Madaxweyne Xasan Sheekh oo XOG cusub ka bixiyay DAGAALKA Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa markale ka hadlay dagaalka Laascaanood.

Xasan Sheekh ayaa ku celiyay baaqiisa nabadda ee ku aadan in dagaalkaas la joojiyay, wuxuuna tilmaamay in ka dowlad ahaan ay dhibeyso dhiiga ku daadanayo halkaas.

“Beryahan dhammaan waad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood & deegaanka ku wareegeysan agagaarkeeda in badan oo horana waan ka hadalnay waxaas inay na gubayaan oo ay ina dhibayaan aanan raalli ka aheyn,” ayuu yiri madaxwenuhu.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xog cusub ka bixiyay waxa uu salka ku hayo dagaalka Laascaanood, isaga oo tilmaamay in arrimo gaar ah la’isku hayo, kuwaas oo sababay inay dagaalamaan labada dhinac, gaar ahaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

“Meesha arrimaa yaallo oo keenay in la’isku dilo waxaan leenahay war marka koowaad aan xabadda joojino marka labaad waxaan leenahay aan isku imaano oo aan is wareysano oo aan kala gar qaadano ” ayuu markale  yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaddiyada meesha taallo ay tahay wax ay quseyso guud ahaan Soomaalida, loona baahan yahay in loo wada istaago.

“Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha meesha taagana waa na quseeyaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha daalkaas, isaga oo tilmaamay inay ku xun yihiin dadkii lagu dilay halkaasi.

“Dadka dhintay oo Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa inaan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuunsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”. ayuu kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta uu dib u qarxay dagaalka magaalada Laascaanood, kaas oo saaka ka billowday duleedka magaaladaas ee waqooyiga Somalia