Mucaaradka Kenya oo ku dhawaaqay tallaabo kale oo ka dhan ah William Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay fasax dadweyne oo maalinta Isniinta ah ee 20-ka bishan ka dhaqan-galaya dalka Kenya.

Odinga oo hadalkaan uu jeediyay xilli uu la hadlayay taageerayaashiisa, ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay in laga horyimaado dowladda uu hoggaamiyo William Ruto.

Dalka Kenya ayaa wali waxaa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan masuulyiinta xisbiga Azimio iyo taageerayaashiisa, kaasi oo doorashadii sanadkii hore looga adkaaday.

Balse dhowaan ayuu shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre oo ka hadlay qorshaha mucaaridka ayaa sheegay in Raila uu doonayo in laga qeyb-galiyo dowladda Madaxweyne Ruto, taasi oo ay iyagu diidan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waraabe la-tagis bartay ka ridis waa ku ceeb. Duqan Uhurru luguhu u garaacay dowladdu nus ka qaatay qeyladaan waxa waaye bariiska ku rafaadnay ayuu leeyahay gacanta gashanaa,” ayuu yiri Aadan Barre.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Gacanta ma galinaayo ee kabaha kaga dhamaan ma ogiye. Dastuurka shaqada ay siisay waxa waaye in uu anaga na saxo. Waddankan laasim waaye in uu yeesho mucaarid.”

Hase yeeshe hadalladaasi waxaa beeniyay Rail Oding oo sheegay in uusan dooneyn heshiis gacan qaadka salaanta oo ah heshiis uu Raila iyo isbahaygiisa uu hore ugula heshiiyay dowladihii hore.

“Waxaa rabnaa in aan sameyno mudaharaadyo kadib markii la iska dhago tiray digniinteeni, marka xigta tani waxay noqon doonta banaanbax nabdoon, oo ma dooneyno in nala gacan qaadno oo kaliya ee waxaa sidaas u yeelaya in xaqeena dib u helno,” ayuu yiri Raila Odinga.

Raila Odinga oo ah nin saameyntiisa leh, haystana taageerayaal daacad u ah ayaa sii xoojineysa walaaca laga qabo saameynta ka dhalan karta banaanbaxyada uu iclaamiyay, taasi oo ay kasoo horjeedo dowladda.