Golaha wadatashiga qaranka oo ergo u diray Deni oo diiday shirkii Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyb ka mid ah bayaankii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka waxaa lagu cadeeyey in Puntland aysan qeyb ka aheyn heshiiska lagu gaaray shirkii Baydhaba, isla markaana loo dirayo ergo gaar ah.

Golaha ayaa go’aamiyey in Puntland loo diro seddax madaxweyne goboleed oo kala soo xaajooda tabashada uu qabo madaxweyne Saciid Deni.

“Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka,” ayaa lagu nuqul ka mid ah heshiiska.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka baaqday shirkii Baydhaba, taas oo sababtay in Puntland aysan wax metelaad ah ku yeelan heshiiska lagu gaaray shirkii labada maalmood Baydhaba uga socday golaha wadatashiga qaranka.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday inuu saxiixo qodobadii laga soo saaray shirkii kan ka horeeyey ee 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha loo dirayo Puntland ayaa loo xil-saaray inay Saciid Deni kala soo xaajoodaan waxyaabaha uu tabanayo, iyagoo golaha ku soo celi doona wixii ka soo baxa waan-waanta.

Shirkii Golaha ayaa looga heshiiyey ‘Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo Dhameystirka Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.