Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay inuusan danaynayn inuu mar kale u tartamo xilka madaxtinnimada dalka.
“Waxaan rabnaa dastuur cusub oo aan annagu danteenna ka lahayn balse u adeegi doona dalka oo dhan. Anigu ma doonayo inaan mar kale isu soo taago doorasho ama noqdo musharrax,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo saaran diyaaraddii kasoo qaaday safar uu ku tagay dalka Hungary, sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda Anadolu.
Hoggaamiyaha Turkiga oo 71 jir ah ayaa hadalkan sheegay xilli uu riixayo qorshe lagu beddelayo dastuurka dalka si loo abuuro hannaan rayid ah oo aanay qorin dadkii afgambiyada milateri sameeyay, sida uu tilmaamay.
Dastuurka hadda jira ee Turkiga ayaa la ansixiyay kaddib afgambi dhacay sanadkii 1980, kaas oo ka mid ahaa afgambiyo badan oo milatarigu ku qabsaday talada dalka taariikhdiisa casriga ah.
“Waa inaan dhisno guddiyada dastuuriga ah, dhaqsi ugu diyaarinna dastuur rayid ah, kadibna aan u bandhigno shacabka,” ayuu yiri Erdogan oo xilalka ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha soo kala hayay tan iyo sanadkii 2003. “Waa inuu noqdaa dastuur qaran iyo mid ka tarjumaya baahiyaha maxalliga ah. Turkiga waa inuu helaa dastuur noocaas ah.”
Xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AKP), oo uu Erdogan hoggaamiyo, ayaa awoodda dalka la wareegay labaatan sano kahor, isagoo dadaal badan ku bixiyay kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Erdogan ayaa sumcad weyn ku yeeshay shacabka Muslimiinta ah ee arkayay inuu wax ka beddelay xayiraadaha la xiriira xorriyadda diimeed ee ay soo rogeen dowladihii isaga ka horreeyay.
Hase yeeshee, sanadihii u dambeeyay xisbiga AKP iyo Madaxweyne Erdogan ayaa wajahay mucaarad xooggan, iyadoo dhaqaaluhu hoos u dhacay sicir-bararkuna sare u kacay, taas oo hoos u dhigtay awoodda wax iibsi ee dadweynaha Turkiga.
Dastuur rayid ah
Isbeddellada lagu sameeyo dastuurka ma aha inay keenaan doorashooyin madaxtinnimo oo degdeg ah, iyadoo doorashada xigta qorshuhu yahay inay qabsoonto sanadka 2028. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga, Jamhuuriyadda (CHP), ayaa dalbanayay doorashooyin hore, inkasta oo musharraxooda ugu sarreeya uu hadda ku jiro xabsi isagoo wajahaya eedo musuq-maasuq oo uu beeniyay.
Waxaa ka harsan laba sano in ka badan doorashada soo socota, mana cadda ilaa hadda cidda tartami doonta. Erdogan ayaa hore u muujiyay inuu mar kale tartami karo isagoo yiri: “Haddii aad diyaar tahay, aniguna diyaar ayaan ahay,” hadal uu sanadkan horey uga sheegay xilli uu garab taagnaa fanaan caan ah oo Turki ah.
Sidoo kale lama oga haddii isbeddellada dastuurka uu riixayo Erdogan ay siin doonaan xuquuq dheeraad ah dadka laga tirada badan yahay ee Kurdish-ka dalkaas. Bulshada Kurdish-ka ayaa muddo dheer ku baaqaysay in dastuurka wax laga beddelo, taasoo qayb ka noqon karta wada-hadallada u dhexeeya dowladda Turkiga iyo kooxda PKK.
Kooxdan oo Turkigu iyo dowladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka u aqoonsan yihiin inay tahay urur argagixiso ah ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay hubka dhigto, balse waxay doonaysaa isbeddelo dastuuri ah si ay ugu fuliyaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed gudaha Turkiga—taasoo la kulmeysa mucaaradad xoog leh gudaha dalka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ujeedka wadahadalada uu yahay sidii loo gaari lahaa “Turki xor ka ah argagixisada,” lana soo afjaro dagaal 40 sano socday oo galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof labada dhinacba.
“Sida muuqata ma doonayo inuu sanado badan sii tartamo, balse isagoo hore u sameeyay horumar muuqda oo kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinacyo kale ah, wuxuu rabaa inuu ka tago dastuur rayid ah iyo Turki xor ah oo nabad ku nool,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga AKP oo la hadlay wargeyska The National.
Dadka dhaleeceeya Erdogan ayaa muddo dheer sheegay inuu qorsheynayo inuu beddelo dastuurka si loogu oggolaado inuu markii saddexaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha.
Si kastaba, hadalka Erdogan ayaa u muuqda inuu caddaynayo inuusan doonayn mar kale inuu xilka u tartamo balse uu rabaa inuu soo bandhigo dastuur cusub oo dalka Turkiga u adeegi kara.
Nidaamka madaxtinnimada ee hadda jira, oo la dhaqan geliyay sanadkii 2018, ayaa dhigaya in madaxweynuhu xilka hayn karo laba muddo oo keliya. In markii saddexaad xilka la isku soo sharaxo waxay u baahan tahay in meesha laga saaro xaddidaadda labada xilli, taas oo u baahan codad ka badan kuwa ay hadda haystaan xildhibaanada isbahaysiga xisbiga AKP iyo xisbiga waddaniga ah ee MHP.