25.3 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Daawo: Xildhibaannada BF oo ku kala qaybsamay arrin xasaasi ah oo la xiriirta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu kala qaybsamay arrin la xiriirta taakuleynta ciidamada dagaalka adag kula jira Al-Shabaab.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa soo jeediyay in la taageero ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee halganka adag ku jira, si looga dhiirogeliyo dagaalka socda, isla-markaana loo jaro lacag dhan 500 oo dollar, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen.

“Xildhibaan kasta 500 dollar waa in uu iska jaraa si loogu taakuleeyo Ciidamada Naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego.

Sareedo ayaa dhankeeda tiri “Mushaarkeyga cid xoog ku jari karto malahan mana leygu hanjabi karo, ciidanka wixii tabarteenna ah anaga ayaan u jareyno ee guddi haloo saaro”.

Dhankeeda Xildhibaan Gobsan ayaa tilmaamtay in aysan cadaalad ahayn in xildhibaanku qaato 5 kun oo dollar, askariga sugayana amnigiisana la siiyo 200 oo dollar oo kaliya.

“Askarta lacagta ay qaataan waa 200 dollar Anagoo Xildhibaano ah oo 5-kun dollar qaato Waxba nagama dhibeyso in Qoondo yar aan siino Ciidamada amnigeena ilaaliyo”. ayay tiri xildhibaan Gobsan

Xildhibaan Cadar ayaa iyaduna kamid ah xildhibaannada ka biyo diiday soo jeedintan “in qof iska soo istaago oo mushaarkeyga go’aan ka gaaro ayaan iska diidnay”.

Intaas kadib guddoonka ayaa soo jeediyay in la asnixiyo qaraar ku aadan in 500 oo dollar loo jaro askarta difaaca ku jirta, balse dood ayaa ka dhalatay oo xildhibaannada qaar ayaa ka horyimid in lacagtaasi laga jaro, waxayna keentay in guddoomiyuhu soo xiro kulanka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News