Erdogan oo maray wacad ku aadan magaalada Qudus

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in dowladiisa ay ka hortagi doonto in leyrarka laga damiyo magaalada Barakeysan ee oo Israel ay xooga ku heysato ee Qudus.

Isaga oo ka hadlay furitaanka kulanka 34 ee Guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Istanbul ayuu sheegay inay difaaci doonaan dadka reer Falastiin ee dhulkooda xooga lagu heysto.

“Inta Muslimiinta difaacayaan xuquuqda, Cadaalada iyo xorriyadda, Falastiin wey sii jiri doontaa, Taariiqdeena ma ahan mid noo dhigeysa waxa dhacay oo kaliya, laakiin waa ilo cashar oo nagu horseedaya inaan xoogeysano nana dhiiri gelinaya”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Madaxweyne Erdogan ayaa salaan u diray “Dhalinyarada iyo haweenka Falastiin ee u dhabar adeegaya difaacidda Jerusalem, iyo qaxootiga Falastiiniyiinta oo ilmada ay kaga daadaneyso inka badan 70 sano gudaha guryahooda”

“Waxaan u dirayaa salaan qaas ahaaneed dhulka ilbaxnimada iyo Nabadda, Falanstiin iyo QUDUS-ta wanaagsan, Wadnaha Islaamka Caalamka”ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan.

Wuxuu ugu yeeray dhamaan muslimiinta inaysan ku dhicin dabinada “Shirqoolada” loo dhigayo, isaga oo kaga digay in looga faa’ideyso kala aragti duwanaantooda.

“Waa inaan gelin qalbiyadeena xuduudo cusub iyo darbiyo adag, iyadoo xuduudaha nagu hareereysan ay dhiig ku daadanayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Erdogan.

Caasimada online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com