Hal ujeedo oo ka dambeysa dhagxaanta lagu gooyey isgoyska Soobe maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Isgoyska Soobe “14 October” oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii hore ayaa waxaa lagu xiray dhagxaan badan, iyadoo la joojiyay gaadiidkii halkaasi ku kala leexan jiray.

Dhagxaanta lagu xiray bartamaha Isgoyska ayaa suuragal ka dhigeyn in gaadiidka doonaya dhanka xaafadaha Degmada Wadajir inay ka leexdaan isgoyska, maadaama dhagxaan lagu xiray, balse waxay soo mari karaan wareeg dheer.

Ujeedada ugu weyn ee halkaasi dhagxaanta loogu xiray ayaa xogaha aan heleyno waxay tahay in la doonayo in lagu yareeyo mashquulka badan ee ka dhasha gaadiidka ku kulma halkaasi.

Saraakiisha waddooyinka ee dowladda ayaa ka gaabsaday inay xog badan ka bixiyaan cidda bixisay amarka dhagxaanta loo dhigay isgoyska iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxay sheegeen in la doonayo in mashquulka badan ee gaadiidka lagu yareeyo.

Waxaa halkaasi ku kulma gaadiidka ka yimaada dhanka Isgoyska banaadir, kuwa ka yimaada isgoyska KM4 iyo kuwa ka yimaada dhanka Wadajir, waxaana ka dhasha ciriiri badan, maadaama gaari walbaa uu doonayo inuu leexdo ama uu gudbo.

Gaadiidka u leexan jiray dhanka Xaafadaha Degmada Wadajir ayaa hadda heysta kaliya fursad ay kaga leexan karaan wasaaradda arrimaha dibadda horteeda, iyaga oo sii maraya laami yaraha Soobe.

Dad badan ayaa dhaliilay qorshahan waxaana  ay sheegeen inay qeyb ka tahay xiritaankii waddooyinka oo ay sameyn jireen madaxda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com