Daawo: Wadaad caana oo Muuse Biixi ugu digay inuu joojiyo wixii Somaliland ay ku burbur buri laheyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inuu dhul boob uu ka wado magaalada Hargeysa, waxaana qeyla dhaan iyo digniin kasoo saaray culumada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sheikh Aadan Siiro oo ka mid ah culumada ugu caansan Somaliland ee bulshada tixgeliso ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu wado dulmi uu tilmaamay inaysan ku kicin dowladdii Kacaanka oo ay eedo ka tirsanayaan, isla markaana aanu loo dul qaadan doonin wax uu ku sheegay dulmiga madaxweyne Muuse Biixi.

“Nin sharci ku fadhiya oo madaxweyne ah, nin documenti haysta oo maxkamad afar jeer u xukmisay, dhulkiisa dhan 2200 in xoog kaga qaado oo weliba yiraahdo madaxtooyo ayaan ka dhigayaa, haddii diin jirto, damiir, dadnimo iyo karaamo jirto, wax la aqbali karo ma ahan” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro oo sheegay inaysan arrintaan oo xitaa uusan ku dhaqmin taliskii dowladdii Kacaanka.

Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Siiro in arrintaani ay horseedi karto burburka iyo jiritaanka Somaliland, haddii dulmiga la isku fiirsadana lagu kala qaxi doono iyo kala tag hor leh in ay dhici do onto.

Ugu danbeyntii Sheekh Aadan Siiro ayaa ugu digay madaxweynaha Somaliland in uu ka daayo boobka shacabka iyo dadka jilcan.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com