Goorta uu CC SHAKUUR ku laabanayo Muqdisho oo shaaca laga qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay dibad joog ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay waqtiga uu kusoo laabanayo magaalada.

Xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in 10 December ee sanadkaan hogaamiyaha Xisbigaasi uu kusoo laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa bilihii ugu dambeeyay.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa si adag u dhaliilsan hogaanka dalka, waxaana uu meelo badan kaga hadlay dhaliilaha ay leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo mar walbaa barta uu ku leeyahay Facebook ku naqdiya dowladda.

“Hogaamiyaha Wadajir, Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame oo idin ku soo wajahan reer Muqdisho 10 December 2018” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee xisbiga.

Cabdi Shakuur oo muddooyinkii ugu dambeeyay joogay magaalada Nairobi ayaa si adag kaga hadlay isbadalka geeska Africa isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan dan badan ugu jirin isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com