Erdogan oo shaaciyey go’aan ciqaab ku ah Sweden kadib falkii lagu gubay qur’aanka

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in dalkiisa uu Sweden ka hor istaagayo ku biirista Isbaheysiga NATO, oo codkooda keliya uga dhiman haddii ay helaan in uu dalkaas xubin ka noqdo isbaheysigaas.

Erdogan oo si kulul u dhalleeceeyay tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, ayaa sidoo kale sheegay in Sweden aysan filanin in dalkiisa uu taageero dalabkeeda ku aadan kamid noqoshada isbahaysiga millateriga ee NATO, ayna maskaxda ka saarto riyada ay ku jirto.

Waxa uu falkii Sabtidii ku tilmaamay “tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta”.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo dagaal kula jirta dalka Turkiga.

Ururka PKK waxaa liiska argagixisada ku daray Turkiga, Maraykanka, Midawga Yurub, hase ahaatee aastamohooda weli lagama mamnuucin dalka Sweden.

Sababta ugu weyn ee Erdogan u diiday in codkiisa uu siiyo Sweden xilli dhowr jeer shuruudo kala duwan uu hordhigay ayuu ku sheegay “in waddankaas uu raalli ka noqday in la gubo Kitaabka Qur’aanka kariimka,” martigelinta waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Islaam Naceybka.

Si kastaba, madaxweynaha Turkiga ayaa si cad ugu sheegay Sweden in aysan xubin ka noqon doonin isbaheysiga NATO oo muddo dheer dhabbe weliba usoo mareysay balse socodkoodii ku go’ay tallaabooyin fool-xun oo ay qaadday.