Sababta ay Al-Shabaab waqti isku mid ah u qaado weerarada ka dhanka ah ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe weeraro gaadmo ah ku qaadeysay deegaanadii ay dhawaan ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo badana dhaca xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore.

Sababta ay Shabaab weerarada ugu qaado ciidamada aroortii hore ayaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanada la xoreeyay ay qayilaan habeenkii oo dhan, islamarkaana uu waaberigu yahay xiliga ay kala daadsan yihiin oo badankoodna ay hurdaan.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in qaadka uu lamid yahay Shabaab, maadama uu usahlayo xubnaha Khawaarijta inay gaadan ciidamada huwanta ee ku sugan, kana sameystaan waxa ay rabaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waqtiga ay dagaalka soo qaadan (Shabaab) waa waqti dhalinyaradii meesha joogay ay Jaadka ka seexdeen, Jaadka laftigiisa ayaa Shabaab kale ah oo waa midka u sahla in cadowga ku gaado. Jaadka dhibaatadiisa waa in habeenkii oo dhan la cuno oo 9-saac la wada daato,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mushkilada uu qaadka ku hayo ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay aad u badan tahay, taasi oo uu ku tilmaamay nasiib darro aad u weyn.

“Ciidanka la rabay in uu midba meel ilaalada ka galo habeenkii waa isku imaanayaan marka ay Jaadka cunayaan oo sheeko ayaa la bilaabaya, waxyaabahaas oo dhan waxay taakuleynayaan cadowga,” ayuu yiri Afhayeenka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, kaasi oo sii xoojiyey walaaca arrintan la xiriirta.