Faahfaahin: Weerarkii hoobiye ee maanta lagu qaaday agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa galabta lagu qaaday aagga xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare burbur iyo dhaawac, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 7 ayaa ku dhacay meel u dhow madaxtooyada qaranka, SYL, EX-Fiyoore iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana la arkayey dadweyne kala cararaya iyo kuwa gabbaad raadsanaya.  

Sida aan xog ku helnay, mid ka mid ah madaafiicda ayaa waxa uu ku dhacday dugsi hoose oo ku dhow xarunta degmada Xamar Weyne. Madfacaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo arday iyo haweeney macmacaan ku iibineysay waddada dhinaceeda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 9 madfac ku weerartay madaxtooyada, islamarkaana saddex ka mid ah ay ku dhaceen gudaha xarunta. Sheegashada Al-Shabab ayaanay jirin cid kale oo xaqjiisay. 

Laamaha amniga Soomaaliya iyo kuwa Muqdisho ayaan weli faallo ka bixin weerarka.

Waa eeerarkii labaad oo saddex maalin gudaheed ah ay kooxdan ku qaado xarumaha dowladda Soomaaliya ee magaalada caasimadda ah. 

Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana kadib gudaha u galay maleeshiyo gaareysa 5 oo kooxda ka tirsan, kuwaas oo ugu dambeyn ay toogteen ciidamada ammaanka. Weerarkaas waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa inta badan soo saara qoraallo ay ku sheegaan inay ka hortageen weeraro Al-Shabaab ay qorsheysay, haddana waxaa mar walba magaalada ka dhaca weeraro dhimasho leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii tagay wadday dagaal xooggan oo ay shacabka ku gacan siinayaan oo kooxdan looga saaraay deegaano badan oo ku yaalla gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. 

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in haddii kooxda laga nadiifiyo gobollada ku teedsan ama ku dhow Muqdisho ay yareyn karto weerarada caasimada ka dhaca, oo inta badna laga soo abaabulo meelo ka baxsan.