Booliska magaalada Muqdisho oo qabtay rag kasoo baxsaday Garoowe kadib markii ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kooxdan oo ka kooban saddex rag ah ayaa usoo baxsaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna ku eedeysan yihiin dilka muwaadin lagu magacaabo jiray Cabdullaahi Jeylaani iyo dhaawaca Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo horay loogu soo gudbiyay xogta eedeeysanayaashaan ayaa xalay labo kamid ah raggaan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada Shibis.

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa laga soo qabtay degmada Xamar-Jajab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska.

Eedeeysanayaashan oo sawiradooda uu soo bandhigay taliska ayaa la hor-geynayaa maxkamadaha dalka si loogu fuliyo xukunkooda.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo kooxaha burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.