Daawo: Xog cusub oo laga helay raggii fuliyey weerarka xarunta Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluulmaadka iyo xogaha laga helayo xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee maalin kahor weerarka ku qaaday dhismaha xarunta gobolka maamulka gobolka Banaadir ee Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdibarre Yuusuf Jibriil, isla-markaana ah xildhibaan hore oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimaha xasaasiga ah ee ku geedaaman weerarkaasi, isagoo sheegay in laga dheehan kayo taya xumada hay’adaha amniga.

“Waxaa laga fasiran karaa halka ay gaarsiisan tahay tayo xumada hay’adaha amniga,” ayuu wareysigan ku yiri Cabdibarre Yuusuf Jibriil.

Sidoo kale wuxuu xog cusub ka bixiyay raggii weeraray gobolka Banaadir, isagoo shaaciyay inay ku labisnaayeen tuutaha ay wataan ciidamada cusub ee laga keenay dalka Eritrea.

Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in xubnaha weerarka fuliyay kahor lagu arkay Xamarweyne, isla-markaana loo heystay ciidan u socdo qaraabo salaan.

“Horta nimanka halkaas soo galay dadkoo dhan waa ujeedeen qof aan ujeedin lama arag ganacsatadaa ujeeday marka ay meelaha mar marayeen laakin dadka waxa au heysteen aniga kula hadlayo laftigeyga waxaan u heystay oo dadku lahaayeen nimaanka tuutaha ay qabaan waa tuurihii ciidanka Eritrea ka yimid, dadkoo dhan waxay u heysteen ciidanka Eritrea oo qaraabo salaan meesha u yimid,” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf .

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xamarweyne haddii la tago qof aanan ku sheegeen malahan Ummaddoo dhan wa ujeedeen”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ragga weerarka qaaday ay ka dhex faa’iideysteen ciidanka hubeysan ee dhex yaacaya magaalada, kuwaas oo aan lakala garaneyn, wuxuuna ku taliyay in caasimada dhexdeeda laga mamnuucay hubka, lagana saaro milatariga.

“Qaladaadka ugu weyn waxa keenayo ciduna cid la hadli karin intaas oo ciidan oo kala kadisan ayaa magaalada yaacaayo oo nin walbo qoray wataa oo koox koox loo socdaa, taas ayaa keentay in lakala garan waayo kii wax dilaayay iyo kii ciidanka ahaa ” ayuu yiri.

Weerarkii Axadii ka dhacay gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxayna ciidamada ammaanka ee howlgalka sameeyay ay sidoo kale soo bandhigeen meydadka ugu yaraan ilaa 5 kamid ahaa raggii weerarka fuliyay.