Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay shalay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay tuullo ku dhow magaalada Xarardheere oo qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi-bari kaga aadan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayd ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan.

Taliska ayaa xusay in weerarkan dhanka cirka ah la fuliyay kadib codsi ka yimid dowladda federaalka, waxayna sheegeen in ay sii joogteyn doonaan taageerada ololaha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howl-gal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 kamid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan iyo inkale.

“Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaawacyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joowle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. AFRICOM ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 kamid ah Al-Shabaab.

Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhawaan gacan ku hayntooda la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen Al-Shabaab.