Madaxweyne Xasan oo u baxaya safar gudaha dalka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Xarardheere ayaa si weyn looga dareemaya diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, ayada oo halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga guud ee magaalada.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn xiliga uu baxayo madaxweynaha ayaa haddana waxa uu safarkiisa Xarardheere uga duwan yahay socdaaladii uu hore ugu tagay degmooyinkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, maadaama ay tahay deegaanka uu kasoo jeedo.

Wararka aan ka helayno socdaalka Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in waxyaabaha madaxweynaha uu Xarardheere u tagay ay qeyb ka tahay xalinta muranka ka taagan cidda maamuleysa magaaladan.

Qabiilo badan oo wada daga magaaladan ayaa la sheegaya in ay isku heystaan cidda xaqa u leh hoggaanka Xarardheere oo xilligaan dib u habeyn iyo soo celinta shacabkii ku noolaa u baahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u tegay deegaano laga xoreeyay Shabaab, isaga oo dhiira-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah, oo sanado badan dhibaato ku haysay bulshada Soomaaliyeed.

Qabsashada Xarardheere ayaa Al-Shabaab u aheyd jab weyn oo soo gaaray, waxaana gacantooda ka baxay marin muhiim u ahaa howlahooda argagixiso, gaar ahaan halka ay uga soo dagaan hubka ay ka soo iibsadaan Yemen.

Xasan ayaa tagaya Xarardheere ayada oo ay fushay ballantii uu hore ula galay dadka reer Galmudug, islamarkaana uu dardar xoogan ku socdo dagaalka uu hore ugu dhawaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.