ERDOGAN oo WAR kasoo saaray halka uu marayo wada-hadalka Ruushka iyo Ukraine

Ankara (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wada-hadal uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ugu baaqay xabbad joojin iyo in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaatoobay duullaankii Ruushka ee Ukraine.

“Erdogan waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay xabbad-joojinta u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine, hirgelinta nabadda iyo hagaajinta xaaladaha bini’aadantinimo ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu taageero nooc kasta ah oo ku saabsan geeddi-socodka.”

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Putin iyo Erdogan ay ku heshiiyeen in wareegga xiga ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine lagu qabto Istanbul.

Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine, in ay uga sii daraan mooyee.

Wuxuu hadlayay kadib markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu Putin ku tilmaamay qalaa, ayna tahay in xukunka laga tuuro.

Macron ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ujeedka uu yahay in dagaalka la joojiyo, kadibna ciidamada Ruushka ay ka baxaan Ukraine, taasina aysan suurtogal ahayn inta ay socdaan hadala noocan ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hadalka Biden uusan ka dhignayn in Maraykanka doonayo in la badelo hoggaanka Ruushka.

Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin tan iyo intii uu dagaalka socday, labo maalmood kadibna ay ku balansanyihiin xiriir dhanka isgaarsiinta ah, isaga oo kala hadli doona sidii shacabka go’doonsan looga saari lahaa magaalada Mariupol.