Sheekh Shariif oo soo saaray baaq deg deg ah oo ku wajahan laba arrin oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dalku ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin.

Sheekh Shariif oo hadda ah musharax ayaa sheegay in habaca jira uu banaanka soo dhigay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha amniga ay ugu guul-daraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.

“Sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida, IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray caawa.

Wuxuu soo bandhigay labo qatarood oo waaweyn oo jiitanka doorashada uu ku keeni karo dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

“Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Isagoo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada wuxuu yiri, “Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaranka iyo guddiyada doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan, lana dhaariyo xildhibaanada, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.”