Maxay tahay sababta uu Qoor Qoor dib ugu soo magacaabay Wasiir Cabdi Waayeel?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa shaqadiisa dib ugu celiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne ku xikeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid ayaa 29-kii bishii May ee sanadkii hore xilka ka qaaday Wasiir Cabdi Waayeel, xilligaas oo uu socotay qorshe golayaasha deegaanka loogu dhisayo degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa faray dhamaan hey’adaha kala duwan ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiir Cabdi Waayeel, si howsha wasaaradda uu u guto.

Cabdi Waayeel ayaa sanadkii hore xilka looga qaaday is-qabqabsi ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balambal, waxaana xusid mudan in degmadaas ay ku loolamaan laba beelood, kuwaas oo dagaallo dhiig badani ku daatay ay dhexmareen.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Maalin ka hor inta aan xilka laga qaadin wuxuu soo magacaabay golaha deegaanka degmada Balambal, tallaabadaas oo beesha Ayaanle Cayr ay aad uga soo hor jeesatay, ayaa la aaminsan yahay inay sababtay xilka qaadistii wasiirkaan caawa dib loogu celiyey shaqadiisa.