Tirada iyo magacyada wasiiro goboleedyada ee ku biiray baarlamaanka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Baarlamaanka federaalka ee dalka ka socotay ayaa waxaa kusoo baxay illaa hadda ku dhawaad 23 xubnood oo ka tirsan wasiirrada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Xubnahaan wasiirada ayaa waxay ka kala tirsan yihiin xukuumadaha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxayna si toos ah uga mid noqdeen baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.

Doorashada dalka oo u muuqatay mid xulasho ah oo ay inta badan iska maamulanayeen madaxda maamulada ayaa waxaa Wasiirada u badan ku darsaday Koonfur Galbeed oo ay kasoo galeen ilaa 11 wasiir, halka Puntland ilaa 6 wasiir ku darsatay, ayada Jubbaland iyo Galamudug ay ku dhawaad 6 wasiir uga biireen baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka aqriso dowlad goboleed kasta iyo Wasiirada ugu biiray baarlamaanka;

Koonfur Galbeed:

1. Axmed Madoobe: Wasiirka qorsheynta
2. Maxamed Abuukar: Wasiirka arrimaha gudaha
3. Isxaaq Subag: Wasiirka amniga
4. Maxamed Yuusuf: Wasiirka waxbarashada
5. Saalax Shariif: Wasiirka awqaafta
6. Mukhtaar Guuleed: Wasiirka xanaanada xoolaha
7. Maxamed Cali Xasan: Howlaha guud
8. Aweys Xasan: Wasiirka dekadaha
9. Axmed Mashruuc: Wasiirka ganacsiga
10.Cabdiqaadir Barako: Wasiir ku-xigeenka gargaarka
11. Maxamed Aadan: Wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Puntland:

1. Cabdigafaar Xaange: Wasiirka qorsheynta
2. Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan): Wasiir ku-xigeenka maaliyadda
3. Fardowsa Cismaan Cigaal: Wasiiru-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha
4. Cabdullahi Rooble: Wasiir-dowlaha Wasaaradda waxbarashada Puntland
5. Zeynab Ismaaciil Tiimbiye: Wasiir ku-xigeenka deegaanka iyo Beeraha Puntland ayaa iyadana noqotay Senator
6. Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino): oo ahaa wasiirka Dekadaha Puntland ayaa noqday Senator

Jubbaland:

1. Cabaas Cali Ibraahim oo madax ka ah wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka
2. Cabdirashiid Jire Qalinle ah wasiiru-dowlaha madaxtooyada
3. Xeri Gaani oo ah wasiiru-dowlaha maaliyadda oo xildhibaan kasoo helay Puntland.

Galmudug:

1. Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa wasiirka Maaliyadda ayaa noqday Senator
2. Aadan Qoryooley: Wasiirka boostada ayaa kusoo baxay xubin golaha shacabka
3. Siciid Siyaad Shirwac oo ahaa wasiirka deegaanka uu isna noqday Senator

Si kastaba, Doorashada Baarlamaanka ayaa mareysa heer gab-gabo ah, wuxuuna maamulka Koonfur Galbeed uu dhameystiray 77 kursi, Galamudug ayaa isna dhameystiray 45 kursi, halka maamulka Jubbaland uu ilaa iyo hadda soo xulay 35 kursi oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, una harsan 16 kursi oo golaha shacabka ah.