Canada oo masaafurineysa 157 Soomaali ah oo dalkaas ku galay baasaboorka dalka…

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa lasoo warinaya inay qorsheyneyso musaafurinta dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Arrinta u weyn ee wajahayaan dhalintaan Soomaalida ah ayaa ah inay dalkaas ku galeen baasaboor Kenyan ah, waxayna Saraakiisha dowladda Canada ku doodayaan in dhalinyartaasi ay yihiin Kenyan.

Maryan Axmed Maxamuud (Maryan Qoorweyne) oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, kana mid ah dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa sheegtay in dhalinyartaan siyaabo kala duwan u soo galeen dalka, qaarkoodna ay halis usoo galiyeen naftooda sidii ay usoo gaari lahaayeen Canada.

“Waxay leeyihiin waxaa tihiin Kenyan way qaldan tahay dhalashadiina. Qaar ayaa aad u dadaalay oo baasaboor Soomaali iyo markhaatiyaal keenay, weli dowladda waxay leedahay Id-gii hore ee kusoo gasheen ayaa tixgelineyna oo Soomaali ma tihiin waxaa tihiin Kenyan, waana idin dhoofineyna,” ayey tiri.

“Dhalinyartaan waxaa jira kuwa aan diyaarad arkin oo doon ku imaaday Canada, oo soo arkay marxalado kala duwan oo soo dhibtooday. Inta ayey imaadeen nolol ayey sameysteen oo sharci ayey heleen wixii oo dhan ayaa laga qaaday.”

Sidoo kale waxay sheegtay in cudur maskaxda ah qaadeen qaar kamid ah dhalinyartaan ay musaafurineyso dowladda Canada kadib markii lagu wargeliyay arrintaan, qarkana u saaran yihiin inay is-dilaan, sida ay sheegtay

Maryan ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay dadaal badan ugu jiraan sidii dib looga laaban lahaa qorshaha Canada ay ku musaafurineyso dhalinyaradaan Soomaalida ah ee loo haysto inay ka been abuureen dhalashadooda.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso, hase yeeshe wakaaladda xudduudaha Canada waxay sheegtay inay gaarayaan 157 qof, halka dadka u doodaya dhallinyaradan ay rumeysan yihiin inay gaarayaan boqollaal qof.