Daacish oo weerar dhimasho leh ‘ka fulisay’ ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq.

“Laba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel.

Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel.

Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.
Sida ay ku warrantay kooxda sirdoonka ee SITE, waa markii ugu horreysay tan iyo 2017 oo Daacish ay si rasmi ah u sheegato weerar ka dhacay gudaha Israel.

Weerarkan dhimashada leh ayaa yimid ayada oo wasiiro arrimo dibadeedyada afar dal oo Carbeed iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ay isugu yimaadeen koonfurta Israel oo ay ku yeesheen kulan goboleed aan caadi aheyn.

Dudu Boani, oo ah taliye ku-xigeeka booliska gobolka, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.

Maamulkii Daacish – oo xukumeysay malaayin qof oo ku nool qeybo badan oo ka mid ah Syria iyo Iraq – ayaa si rasmi ah loogu dhowaaqay in laga adkaaday 23-kii March 2019.

Hase yeeshee, xubnaha Daacish ayaa weli wada inay weeraro ka fuliyaan caalamka.

Horraantii bishan, Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu beddelo.

AFP + VOA