Yaa ku guuleystay kursigii ay ku tartameen Sanbaloolshe iyo 6 musharax oo kale?

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP058 kadib tartan adag oo ka dhacay magaalada Beledweyne.

Sanbaloolshe ayaa helay codad gaaraayo 54 Cod, waxaana magaalada Beledweyne is-qabsaday rasaas loogu dabaal dagayey guushiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT HirShabeelle Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in aan loo baahneen wareeg labaad maadaama Sanbaloolshe uu helay codad ka badan 54 cod.

Musharixiinta u tartamay kursigaan ayaa kala helay:

1- Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe: 54
2- Cali Cabdullaahi Cosoble: 28
3- Cabdulqaadir Xuseen Colow: 8
4- Yoonis Maxamed Nuur; 3
5- Cabdullaahi Axmed Xuseen: 5
6- Maxamed Afdhuub Markaraan: 2
7- Ubax Cali Sheegow: 0

Kursigan ayaa waxaa horey ugu fadhiyey xildhibaan Nuur Iidow Beyle, kaasi oo ku dhowaaqay inaanu aheyn musharax kadib markii lagu dhowaaqay guddiga soo xulaya ergada dooraneysa xildhibaanada. 

Sanbaloolshe ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Villa Somalia iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashadiisa loo arkaa miisaan culus oo kusoo biiray baarlamanka, kaasi oo saameyn weyn yeelan kara.