Sheekh Aadan Sunne oo shaaca ka qaaday ‘falal arxan darro ah oo lagula kacay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo shalay markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab ayaa si faah-faahsan uga hadlay tacadiyadii lagula kacay intii uu ku xidhna xabsiyada Somaliland.

Aadan Sunne ayaa sheegay in markii uu xiray maamulka Somaliland loo gacan galiyay qolada la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay u geysteen jirdil daran oo saameyn weyn ku reebay xaaladiisa caafimaad.

“Hargeysa ayaa ka ku noola, dhibaatadii iga qabsatay (xarigayga) caloosheyda waxa ku jira saab aadame sameeyay. Nimanka ay carbisteen gaalada ee askarta u ah qolada Somaliland ayaa si kasta katiinad igu ceejiyay,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waxay kabta weyn ee qadha ah beerka nooga tunteen oo weliba meel maskax iyo hilib halbowle ah mid looga nixin ayaa na-loogu tuntay, waxaana naloo dhibay waa Diinteena.”

Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqay in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.

Si kastaba, Aadan Sunne oo hore u shaaciyay inuu ugu biiray kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo baxsaday deegaanada Somaliland, wuxuun xiligaan kooxda ka gacan siinaya waxay ugu yeeraan “jihaadka”.