ERGEY MAREYKAN AH OO MUSLIMAY

Khartoum (Caasimada Online) – Joseph D Stafford oo ahaa ergeyga gaarka ah ee dowlada Mareykanka u qaabilsan wadanka Sudan ayaa shaqadii ka tagey kadib markii uu qaatey diinta Islaamka, sidaas waxaa yiri saxaafada Sudan.

Stafford ayaa u sheegey wasaarada arrimaha dibada Mareykanka inuu shaqada uga tagey arrimo gaar u ah balse warar hoose, oo ay heleen warbaahinta Sudan, ayaa xusaya in lagu qasbey inuu is-casilo kadib markii uu qaatey diinta Islaamka.

Wararka ayaa xusaya in Duplamaasigaan uu muslimey kadib markii uu booqasho joogta ah ku tagi jirey islamarkaana xiriir dhow la yeeshey wadaadada xarunta la yirahdo Ansar al-Sunnah.

Ergaygii Mareykanka ee Sudan oo is-casilay, xilli la sheegay inuu Islaamay
Ergaygii Mareykanka ee Sudan oo is-casilay, xilli la sheegay inuu Islaamay

Maqaal uu ku qoray wargeyska Sudan Tribune, kadib is-casilaaddiisa, ayuu Mr. Stafford ku yiri “Aniga iyo xaaskeyga aad ayaan u nasiib badneyn inaan dad badan oo cajiib ah kula kulanno Sudan, kuwaas oo leh damac iyo go’aan xooggan oo ay ku hormarinayaan bulshooyinkooda, weligeyn waan idin xasuusan donnaa adinka iyo waddankiinaba, waana ogahay waxaad sii wadi doontaa shaqadiina aad ku raadsaneysaan nolol wanaagsan”

Dowladda Mareykanka, weli ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saaban arrinta la xiriirta Joseph D Stafford.

Dowlada Mareykanka ayaan safiir ku laheyn wadanka Sudan tan iyo 1998 iyadoo dowlada khartoum in muda ah arinkaas dalbaneysay, waxaana ay Sudan ku lahayd oo kaliya wakiil.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
Caasimada@live.com