MUQDISHO: Maxaa maanta ka dhacay xarunta isgaarsiinta Hormuud?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka taagan khalkhal ku aadan in la xiraayo adeegga taleefonada lacagaha la isugu dirro ee EV Plus-ka.

Xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dadweyne fara badan kuwaasoo doonaya in lacago ugu jirra taleefonka looga bixiyo markii magaalada oo dhan ay soo galeen warar duul-duulaya oo ah in la xiraayo adeegga EVPluska.

“Walaal maanta ayaan maqlay in la xiraayo adeegga EVPULS, marka lacago badan ayaa iigu jirta,waxaan rabaa in la iiga soo bixiyo lacagtaas maadama la xiraayo” ayey tiri gabar noo warrantay.

Arrintan magaalada oo dhan ayaa laga dareemay maanta, waxaana ay noqotay hadal heynta ugu badan ee magaalada ka jirta.

Dhinaca kale, shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa warkaas beenisay waxaana ay sheegtay in uu sii shaqenaayo adeegga EVPLUS-ka.

Waxa ay shacabka ugu baaqday in ay is dajiyaan, warkaasna uu yahay mid been abuur ah, sidda uu sheegay mid ka mid maamulka shirkadda oo la jadlay warbaahinta gudaha.

Sarfilayaasha lacagaha qalaad ayaa diidday inay qabtaan lacag ku jirta EVPLUS, waxaana taas ay saameen ku yeelatay dad uu fara badan oo lacagta ku keydsada adeegga EVPLULS-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com