Ergeyga ka socda Qatar oo maanta la kulmaya qaar ka mid ah madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee ka socda dowladda Qatar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan gaar ah la qaato qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan oo ka dhacaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho ka maqan ayaa sidoo kale saacadaha soo socda soo gaaraya caasimada, halka ay xaadir ku yihiin Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan ay cudur daarteen madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulankan dhex-mari doona madax goboleedyada qaar iyo ergeyga ka socda Qatar looga hadli doono xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Al-Qahtani ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la shiray ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamaanka iyo musharraxiinta.

Dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadaya, xilli lagu wado in dhowaan dib loo bilaabo wada-hadalladii doorashada ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.