SAFIIRKA UK oo Hargeysa kula kulantay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya, Amb. Kate Foster oo uu wehlinayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa warbixin dheer ka siiyey Amb. Kate, dadaalada ictiraaf raadinta, oo ay Somaliland ka baadi-goobeyso beesha caalamka muddo ku siman 30-sano, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa looga wada-hadlay kulankaan qodobbo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dhinac, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo loo dareerayo dabayaaqada bishaan.

Sidoo kale waxaa lagu lafo-guray deeqaha dalka Ingiriisku uu ku taageero Somaliland, gaar ahaan dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada iyo xaaladda amni ee mandaqada.

Amb. Kate ayaa dhinaceeda waxay uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabad-gelyada buuxda ee ay gaaren muddadaa soddonka sanno ah, iyadoona balan qaaday dar-dar gelinta wada-shaqeynta labada dhinac.

Kulankaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii u horeeyay ee dhexmara madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka cusub ee UK, tan iyo intii ay xilka la wareegtay, waana booqashadeedii koowaad ee ay ku tagto caasimada Somaliland oo Ingiriisku ku leeyahay xafiis wakiileed.