Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo wacad ku maray arrin aysan Farmaajo ka aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu ka baxo madaxtooyada oo guri u gaar ah uu Muqdisho ka dego, isagoo sheegay in wax xil wareejin ah aan laga rabin, isla markaana uusan mudneyn.

Muuse Suudi ayaa sheegay inaysan ka aqbali dooni Farmaajo inuu iska sii degenaado Villa Somalia, oo ay ka baxeen madaxweynayaal isaga ka fiican oo kala ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajow xil wareejin lagaama rabo, guriga ka bax, guri ijaar ah gal, dadkii horay gurigaan uga baxay kama fiicnid, ma mudnid in xil lagaa wareejiyo, sababtoo ah adiguba Xasan Cali Kheyre kama aadan wareejin, adigana cid kugu sharfee ma jirto in lagaa wareejiyo,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Sidoo kale Senotor Muuse Suudi waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan maanta waxaba dheereyn madaxweynayaashii ka horeeyey ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, “Hadii sida uu yahay uu inkiraayo sidey yihiin ayaa la gaarsiinaa,” ayuu yiri.

Senatorka ayaa ku maahmaahay ra’iisul wasaare Rooble, isagoo sheegay inuu ka gaabiyey mas’uuliyadiisa, iyadoo la dulminaayo dadkii uu ku metelayey kursiga.

“Rooble hadii uu yiraado Farmaajo shaqadeyda ii madax-baney, anaguna diyaar ayaan u nahay inaan la shaqeyno, ma dooneyno dhalinyaradeena in la rukhseeyo oo iyaga la isku bedelo, oo la dilo, Biixi ayaa doonaya inuu ilmaheena nagu hor dilo,” ayuu yiri Senotor Muuse Suudi.

Hoos ka Daawo