Xog: DF oo aargudasho ku billowday ciidamadii diiday muddo kororsiga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, ee ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

Boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ka soo baxay furumaha dagaalka, kuwaasoo ku sugan Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho. 

Ciidamada ayaa isugu jira laba nuuc oo kala ah ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan mucaaradka iyo ciidamo isugu jira Militeri iyo boolis oo ka gadooday muddo korarsigii ay Sabtidii ka laabteen Golaha Shacabka ee baarlamanka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay qoraal ay soo saareen uga digay in laga aarguto ciidamada muddo kororsiga sameeyey.

“Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka

Inkastoo amarkaan uu ka soo baxay Farmaajo, haddana ma cadda waxa uu ka yeeli doono ra’iisul wasaare Rooble, waxayna tani tusaale u noqon doonta sida uu Rooble u maareeyo xaaladdan cakiran iyo awoodda uu u leeyahay inuu ka horyimaado