Warbixin: Caqabadaha uu durba wajahayo ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Sabtidii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaanka doorashada iyo tan amniga doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa durba waxaa soo baxaya culeysyo ka hor imaanaya Rooble. 

Caqabada ugu weyn ee uu wajihi karo Rooble islamarkaana uu durba billawday qeyla dhaantooda ayaa ah wareejinta ammaanka guud ee dalka oo aan wali laga heynin Farmaajo. 

Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo ammaanka guud ee dalka, taasoo haddii aysan dhicin imaan doonin kalsooni amni, sababtoo ah waxaa weli ciidanka hoggaamiya taliyayaal isaga ka amar qaata, mana jirto awood uu Rooble leeyahay marka laga soo tago magac un, sida ay qabaan dhinacyadaas.

Midowga Musharaxiinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa Rooble ku cadaadinaya in uu la soo wareego ammaanka guud ee dalka, si xilka looga qaado taliyaasha ciidamada booliska, Milateriga iyo nabad sugidda oo lagu eedeeyay in ay wax ka abaabuleen dagaallo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho. 

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’isal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeed shalay kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta

Dad badan ayaa qaba in Farmaajo uusan weli si rasmi ah u wareejin awoodda maamulka ciidamada, marka laga reebo afka un.

“Haddii weli Fahad, Kulane, Xijaar, Qaroole, Biixi iyo Odowaa ay ka amar qaadanayaan Farmaajo maxay tahay amniga uu Rooble la wareegay ee gacantiisa ku jira, yaan lagu ciyaarin caqliyaddeena,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online.

“Sidee Rooble ku maamuli amaanka doorashada marba haddii aysan hoos imaanin taliyaasha ciidamada qaranka.?”