Sababta uusan Shariif ula kulmin iyo shakiga laga qabo qorshaha ergeyga QATAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaar ah oo ay dowladda Qatar soo dirtay Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani ayaa xalay Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, kadib markii uu shalay la shiray mas’uuliyiinya dowladda federaalka.

Hase yeeshee, warka ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa noqon kulamadii dhacay balse waa kulanka aan dhicin, ee ah kan wafdiga Qatar iyo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed. Maxaa keenay in Shariif oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya Midowga Musharaxiinta uu diido la-kulanka wafdiga Qatar?

Marka aad eegto sooyaalka Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan afartii sano ee ugu dambeeyey, Qatar ma sameysan xitaa hal shey oo Shariif uu ku ixtiraami karo, kulana kulmi karo ergeyga ay soo dirtay. Waxaa sidoo kale kale is-weydiin mudan, oo tuhun weyn abuuraya sababta xilligan kusoo beegtay ergeyga ay soo dirtay Qatar. 

Safarka ergeygan ayaa kusoo aaday xilli ururka Midowga Afrika uu doonayo inuu ergey gaar ah usoo diro Soomaaliya, sidoo kalena ururkaas uu qaatay siyaasad aad uga carreysiisay xulafada Qatar ee Villa Somalia, kadib markii uu si xooggan u cambaareeyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee madaxweyne Farmaajo. 

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa qaba in deg degta lagu soo diray ergeygan laga leeyahay laba ujeedo oo kala ah; 1- in la wiiqo qorshaha dhex-dhexaadinta Midowga Afrika iyo 2- In la qaboojiyo carcarta mucaaradka oo taageero shacab iyo mid ciidan ku jebiyey dowladda federaalka toddobaadkii tegay.

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ku habsatay afartii sano ee lasoo dhaafay waxay aheyd Qatar, oo xulufo weyn u aheyd Farmaajo. Waxay lacag sharci-darro ah oo ka baxsan nidaamka maaliyadda dalka ku taageereysay Farmaajo, taasi oo loo adeegsaday in lagu caburiyo, lagu weeraro laguna wiiqo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda iyo suxufiyiinta. Waxaa loo adeegsaday in lagu iibsado xildhibaanada baarlamanka, iyo cid kasta oo loo arko in hadalkeedu saameyn leeyahay oo mushahar laaluush ah oo bille ah loogu qoray. 

Maxay tahay marka xalka ay Qatar raadineyso inay Soomaalida dhex dhigto, mise waxay weji ka sameysaneysa mucaaradka, si lacalla haddii Farmaajo soo noqon waayey aysan ugu soo dhicin meel eber ah.

Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagtay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay?

Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sano oo muddo kororsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. 

Waxaa cad oo dood aysan ka taagneyn in Qatar ay la jirto dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, lana jirtay muddo afar sano, ayna aheyd shidaalka hurinayey dhibka ka jira dalka.

Qatar weligeed ma taageerin Soomaaliya iyo shacabkeeda ee waxay taageereysay shaqsi ka shaqeeya danaheeda. Haddii aad dooneyso inaan ogaato sida ay u egtahay taageerada Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaad eegta Turkish-ka. Maxay Qatar u qabatay Soomaaliya oo muuqda?

Waxa hadda kaliya la rajeyn karo ayaa ah in Qatar ay garowsatay qaladkeeda oo ay dhab ka tahay inay dooneyso xal, hase yeeshee diiwaankeeda taariikhda ma muujinayo rajadaas.