Puntland oo xukun dil ah ku ridday shan Al-Shabaab ah

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday illaa shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in dhamaan raggaasi lagu helay dambigii lagu soo oogay.

Maxkamadeynta raggan oo ay Puntland sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo socotay labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Xubnaha la xukumay ayaa kala ah:- Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay illaa afar ruux oo ay shaacisay in lagu waayey dacwaddii lagu soo oogay oo aheyd inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Bishii hore ee April ayey aheyd markii maxkamadda ciidamada Puntland ay xukun adag sidan oo kale ugu ridday shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.