Sawirro: Wafdigii ka socday Qatar oo caawa kulan la leh midowga musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Decale ee u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda shir u dhaxeeya xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya iyo wafdigii ka socday dowladda Qatar oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.

Wafdigaas waxaa hoggaaminaya Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, waxaana la sheegay in musharaxiinta ay kala hadlayaan ismari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Wafdigaan ka socda dowladda Qatar oo xalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar shalay uga bilaawday magaalada Hargeysa ayaa bilaabay dadaallo ku aadan xal u helidda khilaafka doorasho ee hareeyey Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergaygan wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani iyo xubnaha diblomaasiyiinta ah ee ku wehliya safarkaan. Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay gooni gooni ula kulmeen guddoonka labada Aqa lee baaralaamka Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka, sidoo kale xoojinta xiriirka labada dowladood ayaa lagu soo hadal qaaday kulamadii dhacay.

Waa kulankii u horeeyey masuuliyiin sare oo ka socda dowladda Qatar iyo midowga musharaxiinta Soomaaliya dhex-mara, waxayna dowladda Qatar dadaal balaaran ugu jirtaa sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorasho ee Soomaaliya , isla markaana aysan jirin koox gaar ah oo ay la safantahay.

Muddo dheer dowladda Qatar waxaa lagu xaglinayey inay gacan saar dhow la leedahay madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, balse hadda waxay dadaal ugu jirtaa inay aragtidaas Meesha ka saarto.