Video: Maxay caawa ka wada-hadleen Rooble iyo Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen sidii la isaga kaashan lahaa nabad geliyada Muqdisho iyo arrimaha doorashooyinka.

Intii uu kulankan socday Ra’iisul wasaaraha ayaa Sheekh Shariif la wadaagay qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan inay dalka ka dhacdo doorsho xasiloon oo loo dhanyahay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu, isagoo sheegay in kulankaan diirada lagu saaray duruufaha uu maanta dalku marayo, gaar ahaan xasaradihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Labada masuul waxay ka wadahadleen duruufaha haatan dalku ku jiro, amniga caasimadda, xasilinteeda iyo sidii horay loogu socon lahaa, iyadoo la ogyahay in dhawaan ay ka dhaceen xasarado, waxaana ra’iisul wasaaraha ka go’an in wax walba nabad lagu dhameeyo, diyaar garowna loo sameeyo shirarka Qaran ee dib u heshiisiinta ee dhici doona, waxuuna sii wadayaa kulamada iyo xiriirka uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mucalimuu.

Kulankaan garabka mucaaradka waxaa Sheekh Shariif ku wehliyey musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, waxuuna sheegay afhayeenka xukuumadda Mucalimuu inuu ku soo dhamaaday is af-garad, isla markaana mas’uuliyiintan ay isku afgarteen qodobadii ay ka wadahadleen.

Hoos ka Daawo