Taliye xigeenkii Haramcad iyo ciidankiisa oo ku biiray ciidanka Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu wato ciidamo xoog leh iyo gaadiid dagaal, waxaana arrintaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo si dhow ula shaqeeya ciidamada Mucaaradka.

“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad si weyn ugu adeegsan jirtay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah siyaasadiida, maadaama uu aad ugu kalsoonaa, balse hadda waxay ku biirayaan mucaaradka.

Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka.

Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.

Shalay Madaxweyne waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.