DF oo u digtay siyaasiyiin ‘dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada’ Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka warbixiyey xaaladda ammaan ee dalka ayaa sheegay in maanta ra’iisul wasaare Rooble uu magacaabay guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya hir-gelinta amarkii uu dhawaan siiyey ciidamada isku hor fadhiya magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu maanta howlgeliyey guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya sidii loo hir gelin lahaa amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in ciidamada qalabka sida ee isku hor fadhiya magaalada, iyagoo aan mucaarad iyo muxaafid kala laheyn ay dib ugu noqon lahaayeen xeryahooda, lana soo afjaro astaamaha colaadeed ee maalmahaan ka taaganaa magaalada Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Al-Cadaala waxa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan inuu shaqeeyo amarkii ra’iisul wasaaraha, isagoo uga digay siyaasiyiintaas dhaqdhaqaaqyada aan u adeygeyn danta guud.

“Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la dawaagno inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah, waxaana dadkaas uga digeynaa howlahaas aan saacidey dadaalka xukuumadda, oo ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiirka oo aan carabaabin xubnaha uu eedeynayo ayaa sheegay inay qabad ku yihiin in ciidamada dib loogu celiyo xerahoodii, isagoo sheegay in taas ay u arkaan mid laga leeyahay u jeedooyin qaarsoon.

Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan in la soo afjaro qalalaasaha laga abuuray Muqdisho, isagoo sheegay in cabashada dadka ay dhageysa doonaan.

Hoos ka Daawo