Rooble oo shir isugu yeeray madax goboleedyada iyo waqtiga loo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd shaaciyey in ra’iisal wasaare Rooble uu casuumad u direy madaxweynayaashada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha wada-tashiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxda dowladda federaalka iyo mucaaridka.

“Ra’iisal wasaaraha xukuumadda waxa uu casuumad u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Benaadir, isaga oo ku casuumay inay kasoo qeyb-galaan shirka wada-tashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Afhayeenku.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha ka muujiyey rajo wanaagsan oo meesha looga saarayo khilaafka mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna hanaanka doorashada.

Shirweyanaha uu iclaamiyey Rooble ayaa waxa uu gundhigiisu noqonayaa heshiiskii 17-kii September, oo markale uu Golaha Shacabka maalintii shalay aheyd uu meel-mariyay in dib loogu noqdo, kadib markii ay socon weysay muddo kororsigii uu hore u sameeyay.

Si dhab ah uma cadda in madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland iyo Jubbaland ay aqbali doonaan shirkaan uu iclaamiyey ra’iisal wasaaraha, inkasta oo ay wax badan iska bedeleen hanaanka shirarkii hore oo uu iclaamin jirey madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday.