Wasiirka Arrimaha Dibadda IRAN oo CAFIS weydiistay qoyska Qassem Soleimani kadib cod si sir looga duubay

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda maanta ah cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda.

Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq.

Warbaahin ka howlgasha dalal ka baxsan Iran ayaa Axaddii hore baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.

Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani.

Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday.

“Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif.

“Hadalkeyga … ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani,” ayuu Zarif ku daabacay boggiisa Instagram.

 VOA