Mashruuc: Fursad xooggan hala siiyo wasiirka koowaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc ayaa ku baaqay in fursad xooggan la siiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda la wareegay arrimaha doorashada iyo amniga.

Mashruuc ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Mudane Mohamed Hussein Roble waa in loo arkaa Raisul Wasaare xilka hadda la wareegay. Mudane Rooble qayb kama ahayn nidaamaki iyo siyaasaddii dalka lagu hagayay afartii sano la soo dhaafay, ee abuurtay kalsnooni darrada baahsan.”

“Waxa uu dhexlayaa caqabada badan taabanaya dhanka amniga, doorashada, dhaqaalahah, xiriirka arrimaha dibadda iyo guud ahaan hannaanka dawladnimo. Haddaba, dalka si uu doorasho deg deg u aado waa in dhan kasta laga muujiyaa tanaasul iyo is fahan si looga gudbo dhammaan caqabadaha taagan.’

Mashruuc ayaa dhankiisana ugu baaqay Rooble inuu soo celiyo kalsoonida lagu qabi karo awoodda dowladnimada, maadaama uusan musharax ahayen.

“Mudane Mohamed Hussein Roble maadama uusan musharax ahayn waa inuu soo celiyaa kalsoonida lagu qabi karo awoodda dawladnimada si loo hubiyo inaan loogu isticmaalin gaarista hanka siyaasadeed ee saaxiibadiisa Villa Somalia . Dhanka kale dawlad goboleedyada iyo mushaarixiintaba iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waa in taageero buuxda la siiyaa dadaallada wasiirka 1aad si uu dalka uga saaro xaaladda cakiran ee qaranku ku sugan yahay.”

Rooble ayaa caawa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxad dowladda federaalka iyo mucaaridka.