C/raxman Caynte oo sheegay inay 4 arrin ka dhigan tahay go’aanka uu qaatay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa si cajiib ah uga hadlay qaabka uu Farmaajo uga laabtay muddo kororsigii uu meelmariyay Golaha Shacabka, kaasi oo xiisad dagaaladeed ka abuuray magaalada Muqdisho.

Caynte ayaa ugu horeyntii 1-May oo aheyd shalay, islamarkaana uu Farmaajo ka laabtay “maroorsigii xukunka” ku tilmaamay inay sumad u tahay “Maalinta dib usoo nooleynta dimoqraadiyadda Soomaaliya”.

Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay si aan kala har laheyn uga dhiidhiyeen boobka xukunka iyo soo laba kacleynta kalitalisnimada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in Afar arrin ay keenen in Farmaajo uu dib uga laabto muddo kororsiga, taasi oo uu ugu yeeray “Isa-soo dhiibidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday”.

Hoos ka aqriso 4-QODOB ee uu Caynte ku sheegay inay hormuud u ahaayeen in meesha laga saaro muddo kororsigii Farmaajo.

1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho

2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka kalitalisnimada

3. In laga baaqsaday colaad dhibaato weyn u geysan laheyd dalka iyo dadka

4. In hannaankii dimoqraadiga ahaa ee dalku ku socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu laaban doono, xoogaaga dhaawaca ah ee soo gaarayna la dhayi doono.

Si kastaba, Caynta ayaa yiri ” Waxaas oo dhan waa haddii uu mudane Farmaajo saxiixo warqad uu si rasmi ah ugu wareejinayo masuuliyadda amniga iyo midda doorashada R/Wasaare Rooble.”