Wararkii ugu dambeeyey ergeyga QATAR oo dadaallo ka wada Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ah Ergeyga gaar ah ee dowladda Qatar usoo dirtay Soomaaliya, ayaa dadaallo ka billaabay magaalada Muqdisho oo uu xalay soo gaaray, kadib markii uu safarkiisa shalay ka billaabay magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergaygan oo wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ergeyga ayaa sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan. Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Ergeyga cusub ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doona dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka isku haya, gaar ahaan mucaaradka iyo xubno ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isku haya hanaanka doorashada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow Musharaxiinta, Dr Mutlaq al-Qahtani ayaa sidoo kale waxa uu caawa kulan gaar ah la qaadan doona Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Al-Qahtani ayaa waxa hogaamiyeyaasha mucaaridka kala hadli doona dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khilaafka ragaadiyey dalka ee doorashada oo kal hore gaaray gacan ka hadal.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa oo Mas’uul sarre oo ka socda dowladda Qatar uu la qaato Mucaaridka dowladda, tan iyo intii ay kasoo dabacday sida la fahamsan yahay mowqifkii halka dhinac ahaa.

Si kastaba, dowladda Qatar ayaa dadaal balaaran ugu jirta sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorashada ee dalka, islamarkaana aysan jirin koox gaar ah oo la safan tahay, xili muddooyinkii dambe lala xiriiriniyey madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.