Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u gudbiyey Rooble kadib la-wareegistii doorashada iyo amnigeeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya dib uga noqday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhoweynaynaa go’aanka dib uga noqoshada muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii 17-ka September. Goluhu wuxuu u mahacelinayaa shacabka iyo ciidanka difaacay Dastuurka, kana dhiidhiyey in go’aankii sharci-darrada ahaa ee muddo¬kororsiga uu dhaqan galo,” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay Golaha.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale soo dhaweeyey in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka iyo Amniga doorashada dalka.

“Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhowaynayaa in Rai’sal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka Midowga Musharixiinta.

Midowga Musharixiinta oo soo saaray war murtiyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ra’iisul wasaare Rooble kala shaqeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ku dhacdo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

“Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Rai’sul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna diyaar u yahay ka qaybgalka shirka wadatashiga, si uu miiska u soo saaro tabashooyinka ku aaddan fulinta heshiiska 17-ka September.”

Golaha ayaa Ra’ii sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu dhexdehxaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka uusana la safan dhinac kamid ah dhinacyada ku tartamayo doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Dhinaca kale, Golaha Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta ah usoo jeedisay inay magacowdo hoggaan mideyn kara ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taas sabab uga dhigeyn in ciidamada ay ku kala qeybsameyn diidmada iyo difaaca muddo kordhintii uu baarlamaanka u sameeyey Madaxweyne Farmaajo.

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’sal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeedka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta