Ergeyga Madaxweynaha oo Mareykanka uga qeyb-galay kulan muhiim u ah Somalia

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb-galay dood la xariirtay sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cuntada dunida, kaas oo barbar socday shir ka dhacay magaalada Washington.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah mid sanadle ah, islamarkaana loogu magac daray Kulamada Gu’ga (Spring meetings).

Sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is-hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.

Waxa uu xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga,macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida cunto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

“Dooddayda waxaa sal u ahaa in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi oo keli ah ahayn ee ay haysato khayraad dabiici ah, macdan qaali ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, kuna taalo meel ahmiyad juqraafi istaraatiiji ah leh, dadkeeduna u badanyahay dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib soo saaray qoraal kooban.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddaba cid kasta oo maanta culayska iyo caqabadaha naga horqaada, mustaqbalkana nala maalgashata waxaa hubaal ah inay ku faa’iidi doonto.”

Si kastaba, Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, cirib-tirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya horumarka caalamiga ah iyo hanaanka maaliyadeed ee dunida.