DF oo shaacisay in Shabaab ay weyday xubno cusub oo ay qorato lix arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay weyday maleeshiyaad cusub oo ay qorato, sababo la xiriir lix arrimood oo ay soo bandhigtay.

Dowladda ayaa waxay sheegtay in kooxda ay lumisay dagaal-yahaano badan oo daacad u ahaa, kadib markii ay badatay dhalinyarada iska soo dhiibaysa ee usoo galeysa dhanka dowladda, oo ayadu fursad ay fikirkaas uga soo laaban karaan siisay dhalintaas.

“Dhaqaalihii Khawaarijta Al-Shabaab soo gali jiray ayaa si aad ah hoos ugu dhacay, waana mid kamid ah sababaha ay kooxda u weysay Maleeshiyaad cusub oo ay qortaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay sheegtay dowladda federaalka in cadaadis xoog leh oo kooxda Al-SHabaab ay saartay dagaal-yahaanadeeda ku harsan ay sabab u noqotay in lagu hiran waayo xilligaan, “Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdarada ah.”

“Weerarada lagu qaadayo deegaanada ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimashada oo ku batay,” ayaa kamid ah sababaha lixda ah ee ay dowladdu sheegtay inay meesha ka saartay in Al-Shabaab ay hesho dhalinyaro cusub oo ka barbar dagaalama.

Dadka Soomaaliyeed ayay sheegtay inay fahmeen dhagarta kooxda, sidaas darteedna aysan xilligaan ku dhex dhuuman karin, maadama ay dadka deegaanka ah ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Hoos ka aqriso

Khawaarijta Al-Shabaab oo waayey Maleeshiyaad ay qortaan sababo la xiriira qoddobadaan.

  1. Waxaa badatay dhalinyaradda iska soo dhiibaysa Khawaarijta.
  2. Dhaqaalihii kooxda soo gali jiray oo hoos u dhacay.
  3. Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdaradda ah.
  4. Weeraraada lagu qaadayo deegaanada ay dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimasho oo ku batay.
  5. Dadka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta Khawaarijta.
  6. Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen.